Reysulwasaare Rooble oo ku baaqey in afar maalmood lagu soo gabagabeeyo doorashooyinka dalka

0
303

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa maeka hore uga mahad celiyay guddiga doorashooyinka Gobolada Waqooyi ee Somaliland ee Maanta soo geba-gabeeyay doorashada 46 kursi ee Golaha Shacabka ah.

Waxaa uu sidoo kale uga mahad celiyay Ra’iisul Wasaaraha oo goob joog ka ahaa doorashada Saddexdii kursi ee ugu dambeeysay doorashada Gobolada Waqooyi taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee sugayay Amniga doorashooyinka Golaha Shacabka intii ay socdeen.

Wuxuu ugu baaqay Maamul Goboleedyada kajira dalka in waqtigii loo qabtay in lagu dhameystiro doorashada Golaha Shacabka ay ka harsan tahay muddo Afar Cisho ah, loogana baahan yahay in mudadaas kusoo dhameeyaan doorashada si loo qabto doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha.