Gudoomiyaha gobolka banaadir oo ku baaqey in meel looga soo wada jeesto dadka isticmaala maandooriyeyaasha

0
278

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo khudbad ka jeediyey kulan ka dhacay degmada Dharkenley ayaa ka hadlay arrimaha ammaanka ee magaalada Muqdisho.

Cumar Filish ayaa sheegay in maalin weliba loo soo gudbiyo xogta qaraxyada iyo dilalka ka dhaca gudaha caasimada, balse wuxuu tilmaamay inay haatan ka halis badan yihiin dhibaatooyinka ay geystaan dadka isticmaala maandooriyaha, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in dhibaatooyinka maandooriyaha ku hayo bulshada ay shan jeer ka badan yihiin falalka ay geystaan kuwa is qarxinaya ama wax dilaya.

Duqa Muqdisho ayaa farriin u diray dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay inay meel uga soo jeestaan la dagaalanka maandooriyaha iyo kuwa cadowga ku ah noloshooda.