Qarax maanta ka dcay duleedka degmada afgooye

0
349

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa uu Maanta ka dhacay duleedka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

araxa ayaa la sheegayaa in lala beegsaday Mootada labada lug leh ee Fekonta oo ay saarnaayeen Askar katirsan Ciidamada dowladda oo ka timid tuulada Mareereey kuna wajahneyd degmada Afgooye xilli ay mareysay inta u dhaxeeysa tuulada Mareereey & degmada Afgooye.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay laba askari oo Mootada saarnaa oo mid kamid ah uu dhaawaciisa culus yahay, kuwaas oo la keenay Isbitaalka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose si loogu daaweeyo.

Ciidamo katirsan kuwa Millateriga Soomaaliya ayaa ku baxay halka qaraxa uu ka dhacay, iyaga oo ka sameeyay howlgallo baaritaano, balse la sheegay in aysan cidna ku qabana howlgalka.