
Qarax uu maleegeruux y nafti halige ah oo jaacad waxyaalaha qarxa ka buuxan ayaa maanta ka dhacay gudaha Maqaayadda lagu magacaabo Xasan dhiif oo ku taala dhabarka dambe ee xarunta maamulka gobolka ayaa geystay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxa oo ahaa mid aad xoogan ayaa jugtiisa laga maqlay guud ahaan xaafadaha magaalada Baledweyne, waxaana wararka hordhaca ah ee soo baxaya ay sheegayaan ku dhawaad 12 ruux ay ku dhinteen qaraxa, halka dhaawaca uu kor u dhaafayo tobaneeyo ruux.
Qaraxa ayaa dhacay xili la sheegay in gudaha maqaayada ay ku sugnayeen dadweyne fara badan oo isugu jiray masuuliyin, Odayaal dhaqameed, siyaasiyiin, dhalinyaro iyo wariyeyaal.
Dhaawacyada dadka waxyeeladu kasoo gaartay qaraxa ka dhacay gudaha maqaayada Xasan Dhiif ayaa la geeyay Isbitaalka guud ee magaalada Baledweyne.
