
Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay lala beegsaday gaari bas ah oo ay ka buuxeen ergada doorashada xildhibaannada gobolada waqooyi, ayaa ugu yaraan waxaa lagu dilay lix qof oo kamid ah ergadaas, sida ay sheegeen saraakiisha amniga.
Weerarka ayaa dhacay xilli ergadu kasoo laabatay codaynta doorashada xildhibaannada aqalka hoose ee gobolada waqooyi (Somaliland), wuxuuna weerarku ka dhacay isgoyska Ceelgaabta ee degmada Xamar-Jajab oo ah meel aad u mashquul badan.
Sarkaal katirsan dowladda oo la hadlay wakaalada wararka ee AFP ayaa sheegay in tirada la xaqiijiyay ee dhimashada ergadu ay tahay lix qof halka 12 kale oo shacab u badnaa ay ku dhaawacmeen.
Alshabab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkan, waxayna sheegeen in ay ku dileen 5 kamid ah ergada doorashada iyo dhaawaca 6 kale.