
Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar loo adeegsaday madaafiic oo maanta lagu qaaday gudaha magaallo xeebeedka Baraawe oo ay haatan ka socoto doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in hoobiyeyaasha qaarkood ay ku hubteen qaybo ka mid ah magaalada, gaar ahaan xaafadda Dayax oo ay ku taallo Madaxtooyada maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya, taas oo ay haatan ka socoto doorashada baarlamaanka.
Ugu yaraan hal qof oo aheyd haweeney ka mid ah dad deegaanka ayaa ku dhimatay weerarkan, halka ay ku dhaawacmeen 3 qof oo kale, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.
Dadka deegaanka ayaa waxaa sidoo kale soo wajahday cabsi xoogan oo la xiriirta weerarkan, maadaama madaafiicda ay ku dhaceen xafado ay dagaan yihiin shacab.
