
Dableyda hubeysneyd ayaa gudaha u galay Masjid ku yaala xaafada Raqayle ee degmada afgooye ayaga oo rasaas ku furey qaar ka mid ah dadkii gudanaayay waajibaadka Alle.
Weerarkaasi ayaa la sheegey in uu ku geeryoodey hal ruux waxaana ku dhaawacmay sadax kale, waxaana goobta si deg deg ah uga baxsaday kooxdii weerarka ka dhex fulisay Masaajidka Raqayle ee degmada Afgooye.
Ciidamo ka tirsan Booliska degmada ayaa tegay Masaajidka, iyaga oo howlgal ka sameeyay agagaarka Masaajidka, lamana oga sababta ka dambeysa weerarkan.
Si kastaba arintu ha ahaatee degmada afgooye ayaa waxaa ay ka mid tahay degmooyinka ugu amniga xun gobolka shabelaha hoose taasoo ay ka dhacaan dilal qorsheysan iyo weliba kuwo aan qorsheysaneyn.
