Gudiga doorashooyinka maamulka koonfur galbeed oo maanta doorashooyinka ku qabtey magalada baraawe

1
290

Guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer Maamul Goboleed ayaa Maanta degmada Baraawe oo ah Goobta degaan doorashada labaad ku qabtay doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka.

Kuraasta ayaa waxaa ku tartamay qaarkoodna ku guuleystay kuwo horay ugu fadhiyay iyo kuwo ku cuusb Siyaasadda, waxaana kuraasta la doortay & Xubnaha kusoo baxay ay kala yihiin.

Kursiga Koowaad ee Hop#165 ayaa waxaa ku guuleystay Saalim Calihow Ibroow oo kursigaan horay ugu fadhiyay, isaga oo helay codad gaaraya 70-cod halka musharaxii la tartamayay Aadan Cusmaan Xasan uu heley 15-cod

Kursiga labaad ee Hop#161 oo uu horay ugu fadhiyay Sayid Cali Cabduqaadir Macalin ayaa waxaa ku guuleystay Yuusuf Aadan Maxamed oo helay codad gaaraya 80-cod halka musharaxii la tartamayay ee Cabdulaahi Xuseen Faarax uu heley 7-cod.

Kursiga Saddexaad ee Hop#044 oo ay ku fadhiday Safiya Xasan Nuur ayaa waxaa Maanta doorashadii dhacday ku guuleysatay Maryan Maxamed Cali oo heshay codad gaaraya 73-cod halka musharaxii la tartamaysay Faadumo Xasan Cumar ay heshay 10-cod

Kursiga Afaraad ee Hop#016 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyay Aamin Sheekh Cusmaan ayaa waxaa Maanta loo doortay Xuseen Cali Xaaji oo kasoo wareegay dhinaca Aqalka Sare, kaas oo helay codad gaaraya 81-cod halka musharaxii la tartamayay ee Ismaciil Xuseen Axmed uu heley 10-cod.

Kursiga Shanaad ee HopHop#152 oo uu ku fadhiyay Cabdullaahi Cumar Abshir ayaa waxaa doorashadii dhacday ku guuleystay markale Cabdullaahi Axmed Abshir oo helay codad gaaraya 83-cod halka musharaxii la tartamayay ee Axmed Xasan Geedi uu heley 16-cod

1 COMMENT

  1. Salim a.i waa ninkii u horsedey sh.hoose dhibaatada bobka,kufsiga maanta kajira wuxuu kalo babaca ka dhigey beesha darbane duuwe digil bob iyo xoogna ku haysta kuraastoda xeer fidiral,dawlada kg iyo kii degmada qoryoley ee xaqa u laheyd b.duwe digil runti aniga kuma faraxsani sonoqoshadisa umada allah haka qabto.

Comments are closed.