Wasiirka amniga oo ka hadley xernaanshaha qeyb ka mid ah suuqa bakaaraha

0
264

Wasiirka amniga xukuumada Soomaaliya Cabduulaahi Maxamed Nuur ayaa ka hadlay xirnaanshaha suuqa bakaaraha, kaas oo maalintii 3aad u xiran casnhuuro xad dhaaf ah ay kusoo rogeen Daacish, sida ay ganacsatadu sheegeen.

Wasiirka amniga ayaa xirnaanshaha suuqa bakaaraha u sababeeyay, in ay qeyb ka tahay saamaynta ka dhalatay ciidamadii loo daabulay magaalada Baladweyne ee uu sheegay in loo adeegsanayo arrimo siyaasadeed.

Wasiirka ayaa sheegay in ay la kulmeen ganacsatada ka cabanaysa canshuurta Daacish, wuxuuna sheegay in dowladdu tallaabo ka qaadanayso cid kasta oo ka dambeysay dayacaada amniga suuqa Bakaaraha.

Ganacsatada suuqa bakaaraha ayaa ganacsigoodii u xiray kadib markii ay cabasho ka muujiyeen lacago canshuur ah oo aysan awooddi karin oo kusoo rogeen ururka Daacish.