
Qaar ka mid ah Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda beelaha Xawaadle oo uu qeyb ka ahaa wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya oo shir jaraa’id si wadajir ah ugu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegeen iney kasoo horjeedaan ciidamada dowladda ay geysay Baledweyne.
Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanadda Shirka jaara’id qabtay ayaa kala ahaa Wasiir Mukhtaar Xuseen Afrax, Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre, Xildhibaan Maxamed Xasan Qoono, Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Xildhibaan Cabdirisaaq Jindi, siyaasi Cabdullaahi Maxamed Sambaloolshe iyo siyaasiyiin kale oo caan ka ah Hiiraan.
Waxay tilmaameen in ciidamada dowladda geysay magaalada Baledweyne lala damacsan yahay boobka kuraasta taalka magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, iyagoona intaa ku daray wax walba oo dhibaata ee ka dhasha ciidamada la geeyay Baledweyne inuu masuuliyadeeda qaadi doono Farmaajo.
Xildhibaan Goodax Barre ayaa sheegay in ciidanka Baledweyne la geeyay ay ka dambeyso Madaxtooyada Soomaaliya ayna damacsan tahay iney ku boobto kuraasta Baledweyne lagu dooran rabo.
Siyaasi Sambaloolshe oo dhankiisa hadlaayay ayaa sheegay inuu ugu baaqayo taliyeyaasha ciidamada ee qaadanaya amarada qaldan ee lasiinaayo iney ka fiirsadaan, isagoona tilmaamay inaan la diidadeen in Cali Guudlaawe uu tago Baledweyne, hayeshee uu jiro isfaham waa u dhaxeeyo isaga iyo beelaha Xawaadle.
Xildhibaanadii iyo siyaasiyiintii kale ee qeybta ka wada ahaa shirka jaraa’id ayaa dhamaatood waxay sheegeen iney kasoo horjeedaan ciidamada la geeyayay Baledweyne oo gaaraya ilaa 100 askari oo isugu jira Haramcad iyo Gorgor, kuwaas oo uu Baledweyne kusoo dhaweeyay madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed.