
Dowlada Itoobiya ayaa wakiilkeedii Somaliland u joogay Amb Siciid Maxamed Jibriil u dalacsiisay safiir buuxa, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha dalka Itoobiya.
Itoobiya ayaa noqotay dalkii ugu horeeyay ee safiir buuxa u magacaaba Somaliland, safiir Jibriil ayaa markii hore Somaliland ku joogay heer qunsulnimo, iyadoo xafiiska Itoobiya ee Somaliland-na uu sidoo kale ahaa qunsuliyad, laakin hada taas ayaa is badalaysa.
Amb Jibriil ayaa hada wixii ka danbeeya qaadanaya mansabka “Safiir”, wuxuuna noqonayaa safiirka Somaliland u jooga dowlada Itoobiya.
Inkasta oo ay Somaliland joogaan wakiilo kala duwan oo ay somaliland usoo magacaabeen dowlado kala duwan, hadana hore uma dhicin in dowlad-na ku dhiirato inay safiir buuxa u magacowdo Somaliland.