
Waxaa goordhaw kasoo degay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne laba diyaaradood oo ay saarnayeen ciidamo isugu jira Booliiska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo kuwa Gorgor oo tiradooda lagu qiyaasay 100 askari.
Labada diyaaradood ayaa Ciidamada Haramcad iyo gorgor kasoo qaaday garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, waxaana la sheegaya iney yihiin qeybtii ugu horeysay ciidamo gaaraya 400 oo askari oo loo qorsheeyay in Baledweyne ka howlgalaan, waxaana ciidamadaan goordhaw diyaaradaha keeneen la dajiyay Saldhiga Baledweyne.
Lama oga ujeedada dhabta ah ee ka dambeysa keenista ciidanka Haramcad iyo Gorgor ee magaalada Baledweyne, waxaasa warar is burinaya ay sheegayaan in ciidamadan qorshahoodu yahay iney difaacaan keenista Baledweyne ee madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo mudo sanad ah loo diidan yahay inuu tago Baledweyne, iyadoo warar kaleetana ay sheegayaan iney qeyb ka qaadanayaan sugida amaanka doorashada Golaha Shacabka ee Baledweyne taala.