
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa kasoo horjeestay go’aankii kasoo baxay golaha wasiiradda ee lagu amray in ciidamada la geeyay Baladweyne dib looga soo celiyo.
Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle ayaa sheegay inay iyagu dalbadeen ciidamada gobolka Hiiraan la geeyay, isagoo sheegay ujeedada laga leeyahay in ay tahay in ay dib ufuraan waddooyinka Shabaabku go’doomiyeen ee soo gala gobolka Hiiraan.
Madaxweyne ku xigeenku wuxuu sheegay ciidamada Baladweyne tagay in amarka lagusoo diray uu leeyahay madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna sheegay arrintaasi in ay ka wada hadleen madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Guudlaawe.
Dabageed wuxuu beeniyay ciidamadaas in loo adeegsanayo xiisadaha magaalada Baladweyne ka jirta. Wuxuu sheegay dad siyaasiyiin ah oo Muqdisho ku sugan in ay marin habaabinayaan arrintaas.
