
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwo katirsan qeybta 27aad ayaa howlgallo culus waxaa ay ka sameeyeen wadada xiriirisa Magaalada Jowhar iyo degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Guutada 4aad ee qeybta 27aad Korneyl Saneey Cabdulle Gaab, Abaan duulaha qeybta 27aad Saalax Yaquub iyo Saraakiil kale, waxaana howlgalka uu isugu jiray mid ay ku baarayeen miinooyinka dhulka la geliyo iyo Gaadiidka.
Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in howlgalka lagu qabqabtay Xubno katirsan Al-Shabaab, Miinooyin ay Aasayaeen iyo Gaari laga soo buuxiyay waxyaabo qarxa, kaas oo weerar lagu fulin rabay.
Sidoo kale waxaa ay sheegeen in howlgalkaan uu daba socdo howlgallo saacadihii la soo dhaafay Ciidamada Kumaandooska DANAB ka sameeynayeen degaannada, Xawaadleey, Jameeco iyo degaano kale.
