Wasiirka wasaarada maaliyada oo ka hadley sababta keentey inuu waayo xildhibaanimada

0
322

Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa shir ja’raaid oo uu qabtay waxa uu ku sharraxay sababta uu ku waayay kursiga xildhibaanimada oo uu muddo ku fadhiyay.

Wasiir Bayle oo xafiiskiisa kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kursigiisa Hop201 uu ku waayay arrimo badan oo ku saabsan howlaha miisaaniyda oo uu iska diiday.

“Waxaan doonayaa inaan dadka Soomaaliyeed la wadaago aniga waxaan runtii halkaan u jooga inaan maamulo miisaaniyadda dalka, xildhibaan haddii uusan wasiir la socon kolayba aniga ma joogeen, sharaf weyn ayey ii tahay inaan xildhibaan ahaado laakiin haddaan tayda ka hadlo miisaaniyadda iyo dhakhaalaha dalka inaan u maamulo si sharciyeysan ayaan jooga.” Ayuu yiri wasiir Bayle.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wato ayaa sheegay in sida hufan ee uu shaqadiisa u wato ay sababtay inuu ku waayo dad badan oo ay asxaab ahaayeen.