Ciidamada dowlada oo la wareegey tuulooyin hoostaga degmada balcad

0
689

Ciidanka kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB ayaa howlgal qorsheeysan ku gaaray Tuulooyinka Xawaadleey, iyo Jameeco oo hoostaga degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha dhexe, halkaasi oo muddooyinkii dambe ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Al-Shababa.

Saraakiil katirsan Ciidanka DANAB ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay 10 Xubnood oo katirsan Al-Shabaab, sidoo kalena ay burburiyeen Maxkamad ay lahaayeen sida uu sheegay Taliyaha Ururka 7-aad Guutada 16-aad kumaandooska xoogga Dalka ee DANAB Gaashaanle Xasan Maxamed Cusmaan (Xasan Tuure) wuxuuna tilmaamay in howlgalka uu sii socdo.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada dowladda ay weerarka ku qaadeen tuulooyinka Xawaadkeey iyo Jameeco, isla markaana dagaal in ka badan laba saacadood socday uu halkaasi ka dhacay.