Midowga musharixiinta oo ka hadley qaabka ay u socdaan doorashooyinka

0
322

Midowga Musharaxiinta oo war-saxaafadeed cusub soo saarey ayaa ugu baaqay ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble “in uu u madax-banaanaaddo maamulka doorashooyinka dalka”.

Bayaankan ayaa sidoo kale waxaa lagu adkeeyay in xalka xaalada gobolka Hiiraan uu noqdo mid aysan wax saameyn ku yeelan ciidamadda xoogga dalka.

“Golaha wuxuu uga digayaa saraakiisha ciidan ee garabka la ah madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey in ay faraha kala baxaan arrimaha siyaasadda,” ayaa lagu yiri nuqul kamid ah warka qoraalka ah.

Qoraalka oo ku taariikheysan 24-ka bisha Janaayo, 2022-ka ayaa la raaciyey: “Tabashada reer Hiiraan waa mid u baahan xal siyaasadeed, mana ah in olole doorasho loo adeegsado”.