
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay inuu aad uga welwelsan yahay xaaladda amni ee gobolka Gedo.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa rajo xumo ka muujiyay in gobolka Gedo lagu qaban karo doorashada golaha shacabka, isagoo sheegay in ammaanka magaalada Garbahaareey uu faraha kasii baxayo.
Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku eedeeyay masuuliyad darrada amni ee gobolka Gedo, madaxweyne Farmaajo, isagoo sheegay in taariikh xumo ka raacidoonto sida uu u go’doomiyay gobolka Gedo, sida uu hadalka u dhigay Maxamuud sayid.
Gobolka Gedo ayaa kamid meelaha aadka loogu muransan yahay in ay ka dhicidoonto doorashada golaha shacabka, waxaana gacanta haysa dowladda federalka Soomaaliya.
