
Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in khatarta Al-Shabaab ay kordheen 12-kii bilood ee la soo dhaafay tan iyo markii boqolaal askari oo Mareykan ah laga soo saaray gobolka Geeska Afrika bishii Janaayo ee sanadkii hore.
Taliyaha AFRICOM General Stephen Townsend ayaa wareysi uu siiyay VOA wuxuu ku sheegay, in khatarta Al-Shabaab ay tahay mid sii kordhaysa oo ay ugu wacan tahay waxqabad la’aanta AMISOM iyo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya daneeyayaasha siyaasadda Soomaaliya.
Taliyaha AFRICOM ayaa carrabka ku adkeeyay in militariga Mareykanka uu wali tababaro ciidamada gaarka ah ee Danab ee Soomaaliya, inkastoo uu sheegay in ay shaqadooda gaabis ahayd bilihii lasoo dhaafay.
Maraykanka ayaa sheegay inuu xoojinayo taageerada Soomaaliya, si loo wiiqo halista Alshabaab, iyadoo laga cabsi qabo in yaraanshaha taageerada milatari ee Maraykanka ay fursad u tahay Alshabaab.