
Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa la sheegay in ay isla garteen qaabka uu noqonayo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ku dhowaad saddexda sano ee soo socota.
Arrintaan ayaa ka dambeysay kadib kulan ka dhacay magaalada Addis Ababa. Sida ku cad dukumentiyada la faafinayay, howlgalka cusub ee Midowga Afrika ayaa ka gudbi doonaa AMISOM, wuxuuna u gudbi doonaa Howlgalka Ku meel gaarka ah ee AU ee Soomaaliya.
Guddiga farsamada ee Soomaaliya u qaabilsan wada xaajoodka, hannaanka kala guurka ee amniga qaranka, ayaa ku dhawaaqay heshiiska qorshaha amniga qaranka kulan ay la yeesheen xubnaha golaha ammaanka iyo nabadda Midowga Afrika.
Kulankan waxaa shir guddoominayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xasan Maxamed Siciid Samatar.