Maamulka somaliland oo sheegey inay joojineyso wadahadalada ay kula jirto somaliya

0
293

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland DR Ciise Maxamuud Kayd, ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya anay daacad ka ahayn in laga gungaadho wadahadalada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, sida darteedna Somaliland ay joojinayso wadahaladada.

Wasiir Kayd oo waraysi gaar ah siiyay idaacada VOA Somali, ayaa sheegay in wadahaladadii miro-dhal yeelan waayeen ayna joojinayaan.

“Wadahaladu waxay soo bilaabmeen 2012, ilaa hadana wax miro-dhal ah may yeelan, shirarkii kala duwanaa ee waddamada kala duwan ka dhacay, waanu joojinaynaa wadahalada madaama oo qalada Soomaaliya anay diyaar u ahayn in laga gungaadho” ayuu yidhi wasiir Kayd.

Wadahadalada u dhexeeya dowlada Soomaaliya iyo Somaliland oo bilowday sannadkii 2012, ayaan ilaa hada laga gaadhin horumar la taaban karo, xukuumada Somaliland-na waxay marar badan dowlada Soomaaliya ku eedaysay in ay ka baxday heshiisyadii shirarkii hore.