Kenya oo sheegtey somaliland in ay tahay qeyb ka mid ah federaalka somaliya

0
353

Dowladda Kenya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay arrinta aqoonsiga Somaliland, kaddib dooddii baarlamaanka UK ay dhowaan ka yeesheen arrintaas.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Raychelle Omamo ayaa sheegtay in Kenya ay Somaliland ula dhaqmeyso sida qeyb ka tirsan federaalka Soomaaliya, iyadoo sheegtay in Somaliland aysan Kenya usoo gudbin codsi loogu aqoonsanayo dowlad madax bannaan.

Omamo ayaa sidoo kale waxay kaga hadashay xiisadda Itoobiya. Waxay sheegtay in Kenya aysan illaawin Itoobiya, oo ay sii wadi doonto inay si hoose ula xaajooto, una adeegsato diblomaasiyad jilicsan si loo soo afjaro xiisadda ka taagan dalka deriskeeda ah.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo aadaya iyadoo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres uu BBC-da u sheegay in xaaladda Itoobiya ay beesha caalamka ku adkaatay inay xalliyaan, iyadoo xukuumadda Addis Ababa ay si joogto ah uga dhega adeygtay waxa uu ugu yeeray farogelinta shisheeye.