
Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Boqor Cusman Ow Maxamuud Buurmadoow oo ay garab taagnaayeen Siyaasiyiinta Gibolada Waqooyi ee Somaliland ayaa Maanta sheegay inay isaga baxeen doorashada Soomaaliya, iyaga oo faah faahiyay sababta ku kaliftay arrintaas.
Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa ku baaqay in la joojiyo Jadwalka Doorashada Reer Waqooyiga ee dhawaan la soo saaray, isaga oo sheegay in boob lagu haayo.
Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in doorashada loo qabto si la isla ogyahay, sidoo kalena uu ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha iyo dadka ku howlan wadida doorashada inay jooniyaan.
Dhinaca kale Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa dhankiisa sheegay in ay ka baxeen doorashada Soomaaliya,ayna u cadeeynayaan Beesha Caalamka in Ra’iisul Wasaaraha uu faragelin iyo boob ku haayo doorashada.
Reer hargesa waxay leyihin qarankena anaga iska leh reer muqdisho qarankiina waan idin laleenahay!!! Reer koonfuredka waxba mafahman miya?
Comments are closed.