
Guddiga maamulaya doorashada gobolada Waqooyi ee Soomaaliland ayaa shaaciyay jadwalka qabashada doorashada 12 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay gobolada Waqooyi.
Guddiga dooraahada gobolada Waqooyi ayaa ku dhawaaqay in doorashada 12-ka kursi diiwaan gelintooda iyo tababarka ergada ay bilaabaneyso maalinta berito ah, islamarkaana doorashada kuraasta la qaban doono 24-ka bishaan oo ku beegan maalinta Isniinta ee nagu soo aadan.
