Gudiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka oo doortey gudoomiye

0
410

Waxaa goordhaw lagu doortay Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho guddoomiyaha cusub ee guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ee dalka.

Doorashada Maanta dhacday ee xilka guddoomiyaha cusub ee guddiga xalinta khilaafaadka ayaa waxaa isku soo sharaxay laba Musharax oo kala ahaa Maxamed Cawil Warsame iyo Mustaf Macalin Cali, waxaana tanaasul sameeyay inta aysan doorashada bilaaban Musharax Mustaf Macalin Cali.

Xubnaha guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka dalka oo cod gacan taag ah ku codeeyay, waxay guddoomiye ugu doorteen Maxamed Cawil Waraame oo sidaas ku noqday maanta guddoomiyaha cusub ee guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka dalka.