
Guddiyada hirgelinta Doorashooyinka Maamulada Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay jadwalka doorashada Saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, kuwaas oo ka mid ah kuraas ay guddiyada horay u shaaciyeen.
Qoraal kasoo baxay Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in Maanta oo Khamiis ah ay bilaabi doonaan soo Diiwaangalinta iyo Shaacinta Guddiga Xulista Ergada, halka Maalinta Sabtida ah ay ku dhaqaaqi doonaan Tababarida Guddiga iyo soo
Gudbinta Ergooyinka.
Sidoo kale Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed waxaa ay sheegeen in 23 Bishan oo ku beegan Maalinta Axadda ah ay bilaabi doonaan Diiwaangalinta Ergada iyo tababarka Ergada.
Ugu dambeyn 24-ka Bishaan oo ku beegan Isniinta so socota Gudsiga ayaa diiwaangelin doona musharrixiinta Saddexda kursi halka Maali ta talaadada ah oo ku eegan 25 Bisha Janaayo Magaalada Baydhabo lagu qabanayo doorashada Saddexda Kursi.
Kuraasta doorashooda ay qabanayaan Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay kala yihiin.
1: HOPHO56 oo uu ku fadhiyo Maxamed Jaamac Mursal.
2: HOP02 oo uu hadda ku fadhiyo C/laahi Sheekh Maxamed.
3: HOP 231 oo uu ku fadhiyo Maxamuud Macallin Yaxye
