
Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay inuu welwel xooggan ka qabo sida ay ku socdaan doorashooyinka dalka.
Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay boobka lagu hayo kuraasta barlamaanka in ay keeni doonto inuu mugdi galo sharciyada dowladda dhalan doonta.
Cumar Cabdirashiid wuxuuu sheegay hab dhaqanka doorashada lagu maamulayo inuu ka awood badan tahay habraaca doorashada, taasoo uu sheegay in ay keentay in si xoog ah lagula soo baxo xildhibaanadda
Cumar ayaa eeda ugu badan dusha uga tuuray maamul goboleedyada, isagoo ku eedeeyay in ay gacantooda ku qoranayaan guddiyada soo xulaya ergooyinka, taasoo uu sheegay in ay xad gudub weyn ku tahay habraaca doorashada.
