
Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Cusub ee Boqortooyada Sacuudiga MmAxmed Bin Maxamed Al-Mowallad.
Danjire Axmed Bin Maxamed ayaa Madaxweynaha soo gaarsiyey salaan iyo fariin muujineysa ixtiraamka qarannimada iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo uu ka siday Boqorka Boqortooyada aan walaalaha nahay ee Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdulcasis.
Sidoo kale, Danjiraha Boqortooyada ayaa soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal, isaga oo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee lagu qaabillay.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey Danjire Axmed Bin Maxamed xilka safiirnimo ee loo igmaday, waxa uuna u rajeeyey in uu ku guuleysto matelaadda dalkiisa, doorna uu ka qaato xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah.