
Waxaa goordhaweyd garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho soo caga dhigatay diyaarad qaas ah oo magaalada Baledweyne kasoo qaaday Taliyaha ciidanka Lugta xoogga dalka Soomaaliya Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi iyo hoggaamiyaha Golaha Kacdoonka Hiiraan Jenaraal Abuur Warsame Xuud.
Labada Jenaraal ayaa markey soo caga dhigteen garoonka Aadan Cadde, waxaa halkaas kusoo dhaweeyay oo ay Salaan ka qaateen ciidamo iyo saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Jenaraal Abuukar Xuud oo warbaahinta kula hadlay qeybta VIP-da garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay in u jeedada uu Muqdisho u yimid ay tahay inuu la kulmo madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, islamarkaana ay ka go’an tahay hadafkiisa ahaa raadinta xaqa ka maqan reer Hiiraan.
Taliyaha ciidanka Lugta Maxamed Tahliil oo dhankiisa warbaahinta si kooban ula hadlay ayaa sheegay inuu u mahadcelinayo dhamaan intii ka qeyb qaadatay in wadahdal lagu dhameeyo wax walba, isagoo gaar ah ugu mahadceliyay Jenaraal Xuud iyo Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.