
Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi oo shalay kamid ahaa siyaasiyiintii reer Waqooyiga ee qaadacay doorashada Golaha Shacabka, ayaa dalbaday in lagu soo laabto hanaanka isla-ogolka.
Cabdi Xaashi ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble in uu joojiyo doorashada kuraasta gobolada Waqooyi, gaar ahaan 12-ka kursi oo la shaaciyay in maalmaha soo socda doorashadooda lagu qabanayo magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
Dalabka Cabdi Xaashi ayaa imanaya, ayada oo siyaasiyiinta reer Waqooyiga ay qaadaceen doorashada, kadib markii ay sheegen in kuraasta uu saaka soo saaray Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka gobollada waqooyi ee SEIT aysan waxba ka ogeyn, islamarkaana uu iska wataan guddoomiyaha iyo ra’iisul wasaaraha.
Warqad kasoo baxday guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in la bilaabayo 22-ka bishaan oo ku beegan Sabtida maanta ah diiwan-gelinta ergada, tababarida, qabashada codsiga iyo xaqijinta shuruudaha musharaxiinta ayna socon doonaan illaa 23-ka bishaan Janaayo.
