
Guddiga doorashooyinka maamulka goboleedka Jubbaland ayaa shaaciyay liiska 13 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland.
Guddiga dorashada Jubbaland ayaa horay waxay u shaaciyeen doorashada 14 kursi oo 6 ka mid ah horay u qabteen, waxaana maamulka Jubbaland uu noqonaya maamulkii shanaad ee ku dhawaaaqa doorashada kuraas cusub tan iyo waxii ka dambeeyay shirkii Muqdisho ugu soo dhamaaday madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka.

