
Raysal wasaaraha xilgaarsiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Isbitaalka ku booqday Afhayeenka Xukuumadiisa Maxamed Ibraahin Macalimuu oo shalay ku dhaawacmay qarax Ismiidaamin ah oo lala eegtay gaarigiisa.
Raysal wasaaraha ayaa Macalimuu kala sheekeystay xaaladiisa Caafimaad, isagoona eebe uga baryay inuu caafimaad deg deg ah siiyo, raysal wasaaraha ayaa sidoo kale warbixin ka dhageystay dhaqaatiirta ku howlan waxka qabashada Caafimaadka Maxamed Ibraahin Macalimuu, kuwaas oo u sheegay iney soo hagaageyso xaalada Caafimaad ee Macalimuu.
Shalay ayay barqadii aheyd markii weerar Ismiidaamin ah lala eegtay Afhayeenka Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Ibraahin Macalimuu, kaasoo tiro dhowr jeer oo hore ka badbaaday weeraro isqarxin ahaa oo ka dhacay goobo kala duwan uu ku sugnaa balse qaraxaan ayaa ahaa mid isaga si gaar ah loola bartilmaameedsaday.