Afhayeenka xukuumada oo qarax lagula beegsadey wadada maka al mukarama

0
194

Af-hayeenka xukuumada Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa lagusoo waramayaa inuu ku dhaawacmay qarax ismiidaamin ah oo Muqdisho lagula beegsaday.

Qof isku soo xiray waxyaabaha Qarxa ayaa isku qarxiyay Maxamed Ibraahim Macalimuu, waxaana qaraxa lagula eegtay isagoo marayay wadada Maka A-lmukarama.

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in qofka is miidaamiyaha ah uu is ku qarxiyey gaari u watay afhayeen Macalimuu.

Illaa iyo hadda faahfaahin dheeraad ah lagama hayo inta uu le’eg yahay dhaawaca uu qabo macalimow oo tiro dhowr jeer ah ku dhaawacmay qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho.