Gudiga doorashooyinka maamulka hirshabeele oo shaaciyey doorashada 11 kursi

0
203

Guddiga hirgelinta dooashada maamulka Hirshabeelle ayaa ku dhawaaqay liiska 11 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Jowhar.

Kuraasta la shaaciyay doorashadooda ayaa waxaa qaarkood ku fadhiyay afartii sano ee la soo dhaafay Xildhibaano saameyn badan ku dhex lahaa Baarlamaanka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Musharax madaxweyne Cabduqaadir Cosoble Cali iyo Khadiijo Maxamed Diiriye.