
Dagaalka u dhaxeeyay Ciidamada Itoobiya ee katirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa maanta waxaan uu ka dhacay degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga Ciidamada Itoobiya ee degmada Xudur, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka uu ka dhashay khasaaro dhaawac ah, iyada oo dagaalka siweyn looga gudaha iyo daafaha degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Itoobiya ay madaafiic ku garaaceen dhinaca uu weerarka kaga yimid, balse aan weli la cadeyn khasaaraha ka dhashay madaafiicda.
