
Isaga oo goordhaw la hadlayay saxaafadda Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere ayaa ka hadlay Wadahadalo socday muddo 3 maalmood ah oo Maamulka Gobolka la yeeshay Odayaasha dhaqanka Muqdisho.
Cali Yare oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Odayaasha dhaqanka Muqdisho kala hadleen Go’aankii Maamulka Gobolka Banaadir u diiday in Magaalada uu ka dhacdo banaanbaxii la filayey khamiista ee dib loo dhigay.