Muuse Geele oo loo doortey gudoomiyah agudiga doorashooyinka

0
558

Muuse Geelle Yuusuf ayaa ku guuleystay doorashada Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer federaal (FEIT) ee maanta ka dhacday magaalada Muqdisho.

Muuse Geelle ayaa helay 14 cod, halka murashaxii la tartamayey ee Cabdiraxim Cabdicasiis Aadam uu helay 11 cod, kadib loolan maalmo socday oo xulufo siyaasadeedyo lama filaan ah ay ku abuurmeen.

Muuse Geelle, oo guddiga kasoo galay dhanka Puntland, ayaa waxa uu taageero ka helay xafiiska ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyo xubnaha guddiga kasoo galay dhanka Puntland iyo Jubaland.

Murashax Cabdiraxiim ayaa isna taageero ka haystan madaxtooyada Soomaaliya iyo maamullada taabacsan sidan Koonfur Galbeed. Waxaa sidoo kale taageerayey qaar ka mid ah Midowga Musharaxiinta.

Waxay aheyd markii u horeysay ee Musharaxiinta ay ku kala aragti duwanaadaan doorashada Guddoomiyaha Guddiga FEIT, ayada oo ay laba dhinac ugu kala jabeen doorashadan, oo qaarkood ay ku aragti ahaayeen Villa Somalia.