Ciidamada dowlada oo howlgalo ka sameeyey wadada isku xerta balcad iyo jowhar

0
545

Ciidanka guutada Saddexaad Qeybta 27aad ayaa waxaa ay howlgalo lagu sugayo amniga ka sameeyeen Wadada xariirisa Magaaalda Jowhar iyo Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalka ayaa Saraakiisha hoggaamineysa ay sheegeen in uu yahay mid looga saarayo Al-Shabaab oo mararka qaar wadadaas ka fuliya qaraxyo miino iyo weersro ka dhan ah Ciidamada dowladda.

War kasoo baxay Taliska Qeybta 27aad ee Ciidanka Dhulka Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu shregay inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab si looga saaro degaanada yar oo ay ku sugan yihiin si looga hortago inay dhibaateeyaan dadka Shacabka ah.