
Raysal wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in berrito oo sabti ah ay dib u billaaban doonaan doorashooyinka golaha shacabka.
Raysal wasaaraha ayaa faray dhamaan guddiyada doorashooyinka inay lixda deegaan doorasho ka billaabaan qabashada doorashada kuraasta golaha shacabka ee horey loo shaaciyay tartankooda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xukuumadda iyo dhammaan dhinacyada ay ka go’an tahay in ay doorashadu ku dhammaato xilligii lagu heshiiyay.
Isagoo ka hadlayay amniga dalka, ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble faray hay’adaha amnigu in ay xoogga saaraan sugidda ammaanka dalka, isagoo faray laamaha amnigu in aysan ku milmin siyaasadda, xooggoodana isugu geeyaan dagaalka Alshabaab.
