Midowga musharixiinta oo eedeyn usoo jeediyey gudoomiyaha gobolka banaadir

0
444

Golaha Midowga Musharraxiinta ayaa marka hore uga mahadceliyay Golaha Bulshada Gobolka Banaadir (GBB) aqbalka codsigii kaga yimid Odayaasha Dhaqanka Muqdisho iyo Midowga Murashaxiinta ee ahaa in dib loo dhigo mudaaharaadkii ay qaban lahaayeen maanta Khamiista ah taariikhduna ku beegan tahay 13/01/22..

Qoraal kasoo baxay Midowga Musharrixiinta ayaa Cambaareeyey hadalkii ka soo yeeray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee fal danbiyeed ku tilmaamay mudaaharaadka, oo ah xaq dastuuri ah, sida uu dhigayo qodobka 20-aad ee dastuurka dalka, iyaga oo adkeeyay in mudaharaadku uu yahay xaq dastuuri ah Shacabka Gobolka Banaadirna xilli kasta bannaanbixi karaan.