Khasaraha rasmiga ah ka dhashay qarax ismiidaamin ahaa oo maanta ka dhacay magalada muqdisho

0
485

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Ismiidaamin ahaa oo maanta ka dhacay wadada 21-ka Oktoobar agagaarka xerada Afisyooni degmada Waabari ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ahaa mid loo adeegaaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana lala eegtay kolanyo gaadiid ah oo ay la socdeen Saraakiil ka tirsan xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Qaraxa ayaa geystay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah oo goobta ka agdhawaa iyo qaar ka mid ab askartii la socotay kolanyada qaraxa Ismiidaaminta ah lala eegtay.

Khasaaraha dhimashada ee weerarkan uu geystey ayaa sheegayaa in dhimashada ay tahay sagaal ruux oo isugu jira askar iyo dad shacab ah, dhaawacana uu intaasi ka badan yahay, waxaana jiray burbur xoogan oo gaaray guryahii halkaa ka agdhawaa iyo gaadiid farabadan oo ku gubtay qaraxa maanta.

Dhinaca kale Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarka Ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, waxayna sheegeen in qaraxaasi ay la beegaadeen kolanyo gaadiid ah oo ay wateen Saraakiil cadaan ah.