Mareykanka oo mar kale hanjabaad u direy kooxaha hortaagan doorashada

0
334

Dowladda Mareykanka ayaa hanjabaaddii labaad muddo 24 saac gudahood ah usoo dirtay madaxda Soomaalida, ayada oo ka digtay in doorashooyinka Soomaaliya ay dhaafaan 25-ka Febraayo.

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho kusoo dhammaaday 9-kii Janaayo ayaa lagu go’aamiyey in doorashada Golaha Shacabka lagu soo afjaro 45 maalmood gudahood, oo ka billaabata 15-ka Janaayo kuna eg 25-ka Febraayo.

“Doorashooyinka Soomaaliya sanad ayey ka dib dhaceen jadwalkooda. Mareykanka waxa uu diyaar u yahay inuu tallaabooyin ka qaado qas-wadayaasha, haddii aan jadwalka Golaha Wadatashiga Qaran aan laga dhabeyn,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

Maalin kahor ayey aheyd markii sidan oo kale uu hanjabaad noocan ah u bixiyey afhayeenka Wasaraadda Arrimaha Dibedda Mareykanka Ned Price.