
Hantidhowrka guud ee Soomaaliya ayaa joojiyay qandaraas uu wasiirka ganacsiga Soomaaliya ku siiyay tayaynta hubinta badeecadaha dekeda Muqdisho, shirkad lagu magacaabo Maru port.
Hanti dhowrka guud ayaa ku eedeeyay wasiirka ganacsiga Soomaaliya inuu bixinta qandaraaskaan u maray hab aan waafaqsanayn nidaamka dowliga ah iyo sharuucda u degsan bixinta qandaraasyada.
Xafiiska hantidhowrka ayaa ku adkaystay inuu sharciga la tiigsanayo haddii uu wasiirka ganacsiga ka dhego adaygo awaamiirta xafiiskooda kasoo baxay ayna sharciga la tiigsanayaan.


