Mareykanka oo ku hanjebey iney la xisaabtami cidii dib u dhac ku sameysa doorashooyinka

0
322

Wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in ay qaado tallaabo kasta oo ka dhan ah dib udhaca doorashada oo ay ku jiraan in ay xayiraad kusoo rogaan kuwa masuulka ka ah falalka wax u dhimaya hufaanka iyo geeddi socodka doorashada.

Afhayeenka Wasaaradda A. Dibadda Mareykanka Ned Price ayaa sheegay in xayiraado dhanka Visaha ay kusoo roggi doonaan soomaaliya, haddii ay sii socoto dib u dhaca Doorashada.

Dhinaca kale Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday hoggaamiyayaasha siyaasada Soomaaliya in ay hannaanka doorashada kusoo gabagabeeyaan marka la gaaro 25ka Febraayo, sida lagu heshiiyey shirkii Golaha Wadatashiga Qaran.

Safaaradda maraykanka ayaa sheegtay in laga fogaado wax kaste oo wax u dhimi kara horusocodka dooraahada iyo in ciidamada ammaanku ay dhexdhexaad ka ahaadaan arrimaha doorashada.