Wasiirka amniga oo faray ciidamada boliiska inay sugaan amniga bananbaxa dhici doona maalinta berito

0
388

Wasiirka amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa soo saaray qoraal uu ku farayo taliska booliiska Soomaaliya iyo taliska booliiska gobolka Banaadir in ay sugaan amniga isisoo bax Muqdisho ay ku qabanayaan gole la magac baxay golaha badbaadada Banaadir.

Wasiir Cabdullaahi ayaa ku tilmaamay isisoo baxan oo berito ka dhacaya Muqdisho, inuu yahay mid nabadeed oo ay kasoo codsadeen golaha badbaadada ee gobolka Banaadir.