Gudoomiyaha gobolka banaadir oo sheegay inaan bananbax lagu qaban karin muqdisho

0
208

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo Saraakiisha laamaha amniga ee qeybta guud gobolka Banaadir.

Guddoomiye Filish ayaa si adag uga horyimid banaanbax ay abaabulayaan Mucaaridka, kaasi oo qorshuhu uu yahay in uu magaalada Muqdisho ka qabsoomo maalinta Khamiista.

Waxa uu sheegay in xilligaan magaalada Muqdisho aysan xamili karin culeyso hor leh, isagoo banaanbaxa uu abaabulkiisa socdo ku tilmaamay mid fowdo ah oo ka dhan ah amniga caasimada.

Sidoo kale waxa uu faray Saraakiisha amniga inay xoojiyaan amniga caasimada dalka ee Muqdisho, wuxuuna ku baaqay in bulshada kala shaqeeyan Amniga iyo Nabadgelyada Caasimada.

Guddoomiyaha ayaa arrintan qiilka u weyn uga dhigtay in heshiis laga gaaray mad-madowgii ka jiray doorashada, ay dhankoodana ku qanceen mucaaridka, inkasta oo banaanbaxan uu yahay mid ka dhan ah Farmaajo iyo isku-deygiisa afgambi ee 27-kii December.