Madaxweynaha oo ku booriyey in la dhaqan geliyo qodobadii lagu heshiiiyey

0
185

Madaxweynaha Muddo xileedkiisa uu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo jeediyey khudbad ku aaddan xaaladda guud ee dalka iyo doorashooyinka, ayaa Madaxda Maamul-goboleedyada dalka ku adkeeyey hirgelinta jadwalka doorasho ee ay isla qaateen.

Madaxweynaha oo ka war-bixiyey guulaha la taaban karo ee laga xaqiijiyey dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku bogaadiyey sida naf-hurnimada leh ee ay u difaacayaan Dalka iyo halgankooda ka dhanka ah la davaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada

Madaxweynaha ayaa ka war-bixiyey hannaanka siyaasadda Arrimaha Dibadda dalka oo ku dhisan wax wada-qabsi iyo is-ixtiraamka dalalka Caalamka, ilaalinta sharafka iyo Madaxbannaanida Dalkeenna, taas oo horseedday in aan si mug leh uga dhex muuqanno fagaareyaasha Caalamka.

Ugu dambey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay qodobadii kasoo baxay Shirkii Golaha wadataahiga, isaga oo ku boorriyey shacabka Soomaaliyeed midnimada iyo wadajirku oo fure u ah jiritaanka iyo awooddeenna qarannimo.a