Askari ku xukunaa dil toogasho oo maanta lagu fuliyey

0
392

Maxkamada ciidamada Qalabka Sida qeybta 27-aad ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya oo horay u dilay qof shacab ah oo ka mid ah dadka reer Baled Xaawo.

Askariga xukunka toogashada ah lagu fuliyay ayaa lagu magacaabi jiray Cabduqaadir Faarax Dhaqane ayaa horay waxa uu u dilay marxuum lagu magacaabi jiray Mowliif Baashe Cumar oo ka mid ahaa farsamayagaanada cilad bixiya gaadiidka.

Xukunka toogashada ah ayaa ka dhacay goob fagaare ah oo ku taala degmada Baled Xaawo ee gobolka Gedo, waxaana ku sugnaa goobta ehelada labada dhinac ee kala ahaa askariga dilka lagu fuliyay iyo kuwa qisaasta loo fulinaayay iyo dadweyne kale oo usoo daawasho tagay.