
Wararka ka imaanaya deegaanka Qalimow ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in goordhaw dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaankaasi.
Wararka waxay sheegayaan in dagaalyahanada Shabaab ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen deegaanka Qalimow, kaasoo ugu dambeyn u suurta galiyay iney la wareegaan gacan ku heynta deegaanka Qalimow oo ah deegaan u dhaxeeya magaalooyinka Jowhar iyo Balcad.
Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka ay Al-shabaab ku galeen gudaha deegaanka Qalimow, iyagoona sheegtay iney Saldhiga deegaankaasi ka qaateen hub iyo saanad Militari oo ciidanka dowladda lahayeen.
