Midowga musharixinta oo soo dhaweeyey warmurtiyeedkii kasoo baxay golaha wadatashiga

1
344

Golaha Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen waxa ay kusoo dhaweeyeen War murtiyeedkii kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Shalay galinkii dambe lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

Qoraalka kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa lagu sheegay iney bogaadinayaan tixgalinta la siiyay talaabooyinka ku aadana sixitaanka habraaca doorashada dalka iyo in Goluhu adkeynayo in raysal wasaaraga iyo golaha wasiiradda ay si buuxdo masuul uga yihiin amniga dalka, islamarkaana madaxweynahii hore uu ku ekaado musharaxnimadiisa.

1 COMMENT

Comments are closed.